Al-Rahma Charity Association – Somali oo taabagelisay baaritaano caafimaad iyo daaweyn bilaash ah oo loo sameyay Ardayda agoonta ah ee ku jira iskuulka Kacaan ee degmada Afgoye.
Barnamjkaas Kheyriga ah waxaa fuliyay si wadajir ah ardayda MAMA AMINA COLLEGE OF HEALTH SCIENCE iyo dhaqaatiirta MAMA AMINA HEALTH CENTER.
Tirada Arday oo ka faaideystay adeegas lacag la,aanta ah waxay gaarayaan 70.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan inta ka qeybqaadatay fulinta barnamijkaan kheyriga ah gaar ahaan maamulka Xarunta oo si fiican ula shaqeeyay fuliyaasha barnamijkaan dadaal fiicana u haya bulshadiisa.
Mahadsanidiin

























